XEER WASAARADDA GANACSIGA IYO WARSHADAHA Lambar 001/2021 Taariikh 27 January 2021
XEER WASAARADDA GANACSIGA IYO WARSHADAHA Lambar 001/2021 Taariikh 27 January 2021 XEER WASAARADDA GANACSIGA IYO WARSHADAHA Lambar 001/2021 Taariikh 27 January 2021 WASIIRKA GANACSIGA IYO WARSHADAHA 1. Markuu Arkay Qodobka 102, lambar (1) ee Dastuurka KMG Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 2. Markuu arkay Qoddobada 14aad, 83aad-87aad, 89aad, 92aad iyo 99aad ee Sharciga Shirkaddaha ee lambar 18 soona baxay 26 Disembar 2019 3. Markuu garawsaday baahida loo qabo in la dhiirrigeliyo ganacsiga, wax soosaarka iyo maalgelinta si loo harmariyo dhaqaalaha Soomaaliya iyadoo la fududeynaayo habraaca dhismaha, diiwaangelinta, laysimada iyo adeegyada kale ee ganacsigu u baahan yahay 4. Markuu tixgeliyey fursadaha tiknolojiyada isgaarsiinta ee u sahlaaya ganacsatada in ay helaan adeegyada wasaaraddu bixiso ayaga oo jooga xafiiskooda ama goobaha shaqada, maacaamiishuna ka heli karto akhbaarta ay shirkadaha iyo ganacsigooda uga baahan yihiin si khadka tooska ah (online). WUXUU XEERIYEY 1. Waxaa la dhisay Xafiiska Diiwaanhayaha Shirkadaha (oo hadda ka dib la oran doono "Diiwaanhayaha Shirkadaha”) kaas oo leh jiritaan sharci, kana tirsan isla markaana hoos yimaadda Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha. 2. Diiwaanhayaha Shirkaduhu wuxuu leeyahay awood iyo sharciyad uu ku dhaqangaliyo Xeer-nidaamiyahan kuna maamulo howlaha shirkadaha sida ku xusan Xeernidaamiyahan. 3. Diiwaanhayaha Shirkaduhu wuxuu aasaasi karaa laamo marka loo baahdo si loo daboolo baahida loo qabo in la gaarsiiyo adeegga Diiwaanka Shirkadaha dalka oo dhan. 1. Madaxa Diiwaanhayuhu waa sarkaal dawladeed oo uu magacaabay Wasiirka Ganacsigu iyo Warshadaha iyada oo la raacayo Sharciga Shaqaalaha Rayidka ah. 2. Madaxa Diiwaanhayuhu waa shakhsiga masuulka ka ah kaydinta iyo ilaalinta xogta shirkadaha ganacsi ee cusub iyo kuwa hadda jira ee si sharci ah u diiwaan gashan. Sidoo kale wuxuu ilaalinaayaa sameynta shirkado cusub iyo cusboonaysiinta ama wax-kabeddelka kuwa hadda jira. 3. Madaxa Diiwaanhayuhu wuxuu mas'uul ka noqon doonaa in uu xifdiyo, dhammaan dukumiintiyada loo soo gudbiyo Diiwaanhayaha Shirkadaha, kuwa daabacan iyo kuwa elektarooniga ah labadaba, sida Sharciga Shirkadaha iyo Xeernidaamiyahaani dhigaayaan wuxuuna u oggolaanayaa dadweynaha in ay heli karaan xogtaas si waafaqsan Qodobka 32, faqrada 1aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. 4. Madaxa Diiwaanhayuhu wuxuu baarayaa oo diiwaangelinaya dhammaan warbixinnada iyo dukumiintiyada kale ee loo gudbiyo Diiwaanhayaha. 5. Madaxa Diiwaanhayuhu wuxuu diyaarin doona aragti sharci iyo warbixinno sharci oo kooban isla markaana wuxuu ka caawin doona Wasiirka sidii loo dejin lahaa habraacyada/xeerarka loogu talagalay in lagu gaadho ujeedooyinka Sharciga Shirkadda markii loo baahdo. 1. Waxa kale oo jiri doona Ku-xigeenka Madaxa Diiwaanhayaha iyo tiro Kaaliyayaal Diiwaanhaye iyo saraakiil kale ah marba sida loogu baahdo iyada oo la eegayo ujeeddada Xeer-nidaamiyahan. 2. Haddii uu Madaxa Diiwaanhayuhu ansixiyo, Saraakiisha kale ee noocan ahi waxay yeelan doonaan awood ay ku fuliyaan shaqooyinka Xafiiska Diiwaanhayaha Shirkadaha sida ku xusan Xeer-nidaamiyahan. Shaqooyinka Diiwaanhayaha Shirkadaha Waxaa ka mid ah: 1 Bixinta shahaadooyinka aasasidda shirkadaha oo leh lambar taxane ah oo khaas ah iyo astaamo amni iyo Bixinta rukhsadaha ganacsiga guud iyo hawlaha warshadaha oo iyagna leh lambar taxane ah oo khaas ah iyo astaamo amni. 2 Hubinta in dhammaan diiwaanada uu hayo Diiwaanhayuhu ay u yaalliin qaab suurto galinaya in dhammaan macluumaadka ku jira diiwaanadaas si fudud loola soo bixi karo si loo baaro nuqullana looga sameeyo. 3 In uu mas'uul ka ahaado hubinta in la gudbiyo khidmadaha uu Diiwaanhayaha u ku jideeyay Xeernidaamiyahaaani ama shuruuc kale ee Dalka lagu shubo Xisaabta Khasnada Dawladda; 4 In uu noqdo ilaaliyaha shaabadda diiwaanka shirkadaha; 5 Diyaarinta iyo u soo gudbinta warbixin Wasiirka loo gudbiyo muddo lix bilood gudaheed ah oo ka bilaabanta dhamaadka sanad-xisaabeed kasta, (sanad xisaabeed) oo ku saabsan howlaha xafiiska iyo waxqabadyada Diiwaanka Shirkadaha oo ay weheliso warbixinta maaliyadeed ee hawlgaladaas iyo waxqabadyadaas. 6 Qabyo-tirka iyo cusbooneysiinta keyd macluumaad oo elektarooniga ah iyo ka dhigidda macluumaadka shirkad kasta in ay ka heli karaan dadweynuhu iyada oo aan la dhaafayn xuduudaha uu banneeyay Xeerkani iyo Sharciga Shirkadaha. 7 Diiwaanka Shirkaduhu waxaa uu qaban doonaa warbixinta sanadlaha ah ee shirkadaha diiwaangashan. 8 In uu adeegsado wixii kale ee awood ah ee Sharciga Shirkaduhu ama shuruucda kale ama xeer-nidaamiyeyaasha uu soo saaro Wasiirku ay siinayaan Diiwaanhayaha. 1. Diiwaanhayaha Shirkaduhu wuxuu awood u leeyahay in uu xaqiijiyo u hogaansanaanta shuruudaha sharci ee diiwaangelinta shirkadda isagoo hubinaya magaca shirkadda, cinwaanka xafiiska diiwaangashan, nooca ganacsiga, faahfaahinta agaasimayaasha, faahfaahinta saamileyda, caddeynta cinwaanka iyo Aqoonsiga, qabashada khidmadda diiwaangelinta. 2. Diiwaanhayaha Shirkaduhu wuxuu awood u leeyahay inuu baaro diiwaanka shirkaddaha ee yaala Diiwaanhayaha Shirkadaha si loo helo macluumaadka aasaasiga ah. 3. Diiwaanhayaha Shirkaduhu wuxuu awood u leeyahay go'aaminta iyo qabashada khidmadaha iyo ganaaxyada ku xusan Shaxda 1aad iyo Shaxda 2aad ee sharcigan. Diiwaanhayaha Shirkaduhu waa inuu hubiyaa in dhammaan ogeysiisyada khidmadaha ay heli karaan dadweynuhu. 4. Diiwaanhayaha Shirkaduhu wuxuu leeyahay awoodda baaritaan sida ku qeexan Faqradaan 4aad ee la xiriirta howlaha khiyaanada leh ee ku tilmaaman faqrad hoosaadka (a) ama (b) haddii: (a) Diiwaanhayaha Shirkaduhu uu helo sababo macquul ah oo tilmaamaya in qodobada Xeerkan ama Sharciga Shirkadaha aan la raacin, (b) ama in dukumiinti la soo gudbiyay sida uu dhigayo Xeerkani uusan shaaca ka qaadin xaqiiqda dhabta ah ama uusan bixinayn qiraal buuxa oo ku saabsan arrimaha sharcigu tilmaamay in la soo bandhigo, (c) Diiwaanhayaha Shirkaduhu wuxuu qoraal ah kaga dalban karaa shirkadda ay khuseyso in ay soo saarto buugaagta iyo diiwaannada shirkadda ama in ay ku soo bixiso qoraal ahaan macluumaadkaas ama sharraxaaddaas sida Diiwaanhayaha Shirkaduhu uu qoraalkiisa ku qeexay. Buugaagta, diiwaanada ama macluumaadka noocaas ah waxaa lagu soo saari doonaa muddada qoraalka lagu cayimay. (d) Marka ay shirkadi hesho tilmaanta qoraalka ah ee ku xusan faqrad hoosaadka (c) ee Faqradaan waxaa ay noqonaysaa waajib saaran dhammaan maamulayaasha, agaasimayaasha iyo saraakiisha shirkadda in ay soo gudbiyaan buugaagta, diiwaannada ama sharraxaadda inta ay awood u leeyihiin. (e) Diiwaanhayaha Shirkaduhu kaydka kuma dari doono dokumanti la xiriira timaanta qoraalka ee ku xusan faqrad hoosaadka (c) ee Faqradaan illaa iyo inta tilmaantaas la fulinayo, sidoo kalena laguma daraayo haddii jawaabaha la bixiyay ay tilmaamayaan in dukumiintigu uusan waafaqsaneyn qodobada Xeerkan ama Sharciga Shirkadaha. (f) Wixii cabasho ah ama khilaafaad ah ee la xiriira baaritaanka ku tilmaaman Faqradaan waxaa loo gudbinayaa oo go'aan ka gaaraya Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha. (g) Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshaduhu waxaa ay awood u leedahay in ay u gudbiso Xafiiska Xeer Ilaalinta si uu talaabo sharci uga qaado wixii fal-dambiyeed ah ee la xiriira hawlaha Diiwaanhayaha Shirkadaha. 1. Haddii Diiwaanhayaha Shirkaduhu uu ku qanco in shuruudaha Sharcigan Shirkadaha ee ku saabsan codsiga abuuridda shirkadaha la dhammaystiray isla markaana la bixiyay khidmadda la jideeyay, Diiwaanhayuhu wuxuu gelinayaa faahfaahinta shirkaddaa Diiwaanka Guud. 2. Haddii Diiwaanhayaha Shirkaduhu uusan sidaa ugu qanacsaneyn, wuxuu isla markiiba ogeysiinayaa codsadaha(yaasha), isagoo qoraal ku sheegaya sababaha. Khilaafka arrintan ku saabsan waxaa racfaan looga qaadan karaa Wasaaradda. Haddii codsaduhu uusan ku qanacsaneyn go’aanka Wasiirka, wuxuu racfaan u qaadan karaa Maxkamadda Sare ee Dalka. 3 Diiwaanhayaha Shirkaduhu, isagoo raacaya habraaca diiwaan-gelinta, wuxuu siin doonaa ganacsiyada lambar gaar ah oo tilmaamaya caynadda shirkadda iyadoo la siinayo shahaadada abuurista shirkadda taas oo ka koobnaan doonta nooca iyo magaca shirkadda, shaabadda Wasaaradda, taariikhda iyo goobta laga bixiyay, qoraalka rasmiga ah ee caddaynaya in ay shirkaddu ka soo baxday shuruudihii sharciga ahaa sidaa darteedna ay ka diiwaan-gashan tahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uuna saxiixay Madaxa Diiwaanhayuhu ama kuxigeenkiisu. 4 Shahaadada abuurista shirkadaha waxaa lagu soo saari doonaa hal (1) maalin shaqo gudaheed ka dib marka dukumentiga codsiga la soo gudbiyey lana aqbalay. 5 Shahaadada abuurista shirkaduhu waxaa ay ansax tahay ilaa iyo muddada ay shirkaddu jirto marka laga reebo isku-biiridda shirkadaha, marka shirkad la iibsado iyo isbedelada waaweyn ee waajibinaya dib u diiwaangelinta shirkadda. 6 Shahaadada abuurista shirkadda ee lagu soo saaray Qodobkan ayaa ah caddayn kama danbays ah oo tilmaamaysa in shuruudihii Xeerkan iyo kuwii Sharciga Shirkadaha ee diiwaangelinta iyo abuurista shirkadaha la fuliyay. 1 Diiwaanhayaha Shirkaduhu wuxuu sidoo kale siinayaa shirkad gaar loo leeyahay ama shirkad dadweyne lambar laysin ganacsi oo khaas ah si uu u bilaabo hawl ganacsi, kaas oo ah rukhsad guud oo ganacsi waafaqsanna hawsha ku tilmaaman laysinka, si waafaqsan Sharciga Laysimada Ganacsiga. 1. Sida ku tilmaaman Qodobka 6 iyo Qodobka 13 ee Sharciga Shirkadaha, codsiga diiwaangelinta shirkadaha waa in ay ku lifaaqan yihiin documentiyada soo socda: a) Codsi ku qoran foom uu soo saaray ama uu ansixiyay Diiwaanhayaha Shirkaduhu. b) Lifaaqayaa nidaamka aasaaska shirkadda iyo heshiiska aasaaska shirkadda. Heshiiska aasaaska shirkadda waa in ay ku tilmaaman tahay magacyada saamileyda, nooca saamiga iyo qaybta saamiga. c) Lifaaq baasaboorrada aasaasayaasha iyo saamileyda shirkadda. d) Wixii kale ee macluumaad Diiwaanhayu weydiiyo si waafaqsan Xeernidaamiyahaan iyo Sharciga Shirkadaha. Qodobka 9aad: Ganacsiyada Nidaamsan 1. Shirkadaha ganacsiga ama adeeg bixinta ee, si waafaqsan sharciyada iyo qawaaniinta kale ee Dalka, ay ku waajibtay ogolaansho ama fasax ay bixiyaan hay’ado kale ee dawladeed, marka ay qaataan shaahadada diiwaangelinta shirkadda iyo laysinka ganacsiga waa in aysan bilaabin hawlahooda ganacsi, ka hor inta aysan codsiin oo aan la siin ogolaanshaha iyo fasaxa laga rabo hawlaha ganacsi ee sida gaarka u nidaamsan. 1Diiwaanhayaha Shirkaduhu wuu diidi karaa in uu diiwaangaliyo shirkad leh magac kaas oo: a) lamid ah magac ay shirkad kale horey uga diiwaangashan tahay, ama aad ugu eg magac kale oo ay dhici karto in lagu khaldo, ayna suurto gal tahay in lagu marin habaabiyo dadweynaha, b) ah diin-cay ama anshax xumo ama aflagaado ku ah qof ama koox dad ah, c) Tilmaamaya in ay taageerto ama ka mas’uul tahay Dawlada Soomaaliya ama hay’adaha kale ee Dawladda; d) ka kooban magaca qof jira haddii aanan qofkaasi sidaa qoraal ahaan ku ogolaan. 2 Diiwaanhayaha Shirkaduhu, ka dib marka uu siiyo shirkad fursad lagu dhagaysto, wuxuu u tilmaami karaa shirkadda in ay ku beddesho magaceeda muddo cayiman, taas oo aan ka yarayn 4 toddobaad laga bilaabo taariikhda tilmaanta. 3 Qof kasta oo cabasho ka qaba tilmaanta diiwaanhayaha eek u xusan faqrada labaad (2) ee qodobkaan wuxuu codsi dib u eegis ah u gudbin karaa Wasiirka. Haddii uusan ku qanacsaneyn go’aanka dib u eegista ee Wasiirka, wuxuu racfaaan u gudbin karaa Maxkamadda Sare ee Dalka muddo 30 berri gudahood ah laga bilaabo taariikhda lagu wargeliyey go’aanka Wasiirka. 4 Magaca shirkad dadweyne ama shirkad gaar loo leeyahay oo ku dhisan Sharciga Shirkaduhu waa inuu ku dhammaadaa mid ka mid ah erayada soo socda: (a) “Limited” or “Ltd.” (b) “Incorporated” or “Inc.” 1 Qofka doonaya inuu samaysto dhigaal magac shirkadeed wuxuu codsi diiwaangelin dhigaal magac shirkadeed u soo gudbin karaa diiwaanhayaha shirkadaha. Codsiga waa in lagu tilmaamo magaca iyo cinwaanka codsadaha iyo magaca shirkadda ee uu dalbanayo in loo dhigo. 2 Haddii magaca dhigaalka ah uusan ahayn mid horey loo diiwaangaliyey, yahayna magac waafaqsan shuruudaha magaca shirkadda ee ku tilmaaman Sharciga Shirkadaha iyo Xeernidaamiyahaan, waxaa magacaasi dhigaal ku ahaanayaa diiwaanka muddo ugu badnaan 90 maalmood ah. 1. Shirkadda dooneysa in ay beddesho magaceeda waxay codsi usoo gudbineysaa Diiwaanhayaha Shirkadaha iyadoo raacaysa nidaamka Qodobka 10aad ee xeernidaamiyahaan. Diiwaanhayuhu marka uu hubsado in codsiga si sax ah loo buuxiyay wuxuu ku qori doona magaca cusub ee shirkadda diiwaanka shirkadaha isla markaana wuxuu u soo saari doona shirkadda shahaado taas oo muujinaysa isbeddelka magaca. 2. Isbeddelka agaasimayaasha, saamileyda iyo saraakiisha, isbeddelka howlaha ganacsi, waxaa sidoo kale loo gudbin doonaa Diiwaanhayaha Shirkadaha. 1. Waa in lagu tilmaamo foomka diiwaangelinta cinwaanka rasmiga ah ee shirkadda, cinwaanka xubnaha golaha maamulka, nuqul baasaboor, telefon lambar, cinwaan email iyo caddeyn xisaabta bankiga (bank account statement) ee xubin kasta ee golaha maamulka. 1 Khidmadda shahaadada aasaaska shirkaddu waa lacag hal mar la bixinayo oo u dhiganta boqol dollar ($100 USD) waqtiga diiwaangelinta koowaad. 2 Khidmadda Laysinka ganacsigu waa ay kala duwan tahay waxayna ku tilmaaman tahay Shaxda 1aad si waafaqsan Sharciga Laysinga Ganacsiga. 3 Wax lacag ah lagama qaadi doono xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, hay'adaha ama waaxaha dawladda marka ay xaraynayaan dukumintiyo ama adeegyo kale uu u qabanayo Diiwaanhayaha Shirkaduhu. 4 Caddeynta bixinta khidmadda waa in la diyaariyo oo la siiyo macaamilka adeegga loo qabtay. 1 Shirkad kastaa waa in ay u soo gudbisaa warbixin sannadeed Diiwaanhayaha Shirkadaha sida uu dhigayo qodobkani. Warbixintaas waa in lagu soo gudbiyaa muddo 30 maalmood gudahood ah oo ka bilaabaneynsa maalinta sanad-guurada markiii la bixiyay shahaadada aasaaska shirkadda. Macluumaadka ku jira warbixin kasta oo sanadle ah waa in ay sax ahaadaan wakhtiga la rabo in la gudbiyo. 2 Warbixin sannadeedka waa in ay ku jiraan macluumaadka hoos ku taxan: (a) Magaca shirkadda. (b) Cinwaanka saldhigga maamulka iyo xarunta shirkadda ku ganacsato (haddii ay ka duwan tahay). (c) Magacyada iyo cinwaanada golaha maamulka, agaasimaha guud ee fulinta, iyo magacyada iyo cinwaanada golaha fulinta (haddii uu jiro). (d) Nooca shirkaddu ay tahay iyo hawlaheeda ganacsi ee ugu muhiimsan. (e) Macluumaadka saamileyda shirkadda, tirada guud ee saamiyadda shirkadda iyo sida loo kala leeyahay. (f) Isbedellada golaha maamulka, golaha fulinta iyo saamileyda, tirada guud ee saamiyada iyo qiimaha saamiyada shirkadda. (g) Xaqiijin in shirkaddu ku shaqaysay hawlaha ganacsiga ee laysinka ku tilmaaman. 3 Xafiiska Diiwaanhayaha Shirkadaha ayaa bixin doona foomam loo adeegsado soo gudbinta warbixin-sannadeedka wuxuuna dalban karaa in foomamkaas la isticmaalo. 4 Haddii shirkaddu ku guuldareysato in ay soo gudbiso warbixin sannadeedka sida ku xusan Qodobkan, shirkaddu waxay muteysan doontaa ganaax sida ku qeexan Shaxda 1aad. 1 Noocyada lacag bixinta ah ee la aqbalay waxaa ka mid ah lacag caddaan ah, jeeg, iyo wareejin toos ah oo bangi ah, lacagta moobaylka iyo lacag bixinta khadka tooska ah (online payment). 1 Diiwaanhgelinta Shirkadaha waxaa loo sameyn karaa si khadka tooska ayadoo la isticmaalaayo form khad toos ah (online form). 2 Diiwaanhayaha Shirkaduhu wuxuu u hayn karaa diiwaanada, oo ay ku jiraan dukumiintiyada ay shirkaduhu u soo gudbiyaan, qaab khadka tooska ah electronic kayd macluumad kale oo elektaroonik ah, mar haddii diiwaanadaas si fudud loo furi karo, loo arki karo oo loola soo degi karo ama la daabac karo. 1. Waxaa ay Shirkada ka dalban kartaa Diiwaanhayaha Shirkadaha sixitaanka xog la galiyay diiwaanka haddii: a) ay ka kooban tahay wax kasta oo sharciga khilaafsan b) ay ka kooban tahay arrin kaas oo, nuxur ahaan, qaabka loo dhigay ama meesha la dhigay awgeed noonday been ama marin habaabin; c) Iyadoo sababtu tahay wax laga tagay ama si qaldan loo sharraxay aan loo dhammaystirin ama khalad ah ama aan sax ahayn. 2. Sixitaanka waxyaabaha fudud waxaa loo gudbinayaa Diiwaanhayaha Shirkadaha si loo cusbooneysiiyo diiwaanada shirkadaha. 3. Diiwaanhayaha Shirkaduhu wuxuu diidi karaa codsi kasta sixid ah, go'aankiisana waxaa racfaan looga qaadan karaa Maxkamadda Sare Dalka. 1. Codsiga diiwaangelinta Shirkad Shisheeye waa in lagu soo lifaaqo: a) Wakaalad (Power of Attorney) diiwaangelin shirkad shisheeye oo nootaayeysan lagana soo tastiiqay Safaaradda Soomaaliya ee dalka shirkadda shisheeye ka diiwaangashan tahay. b) Nuqul Nidaamka Asaasiga (Article of Association) iyo Heshiiska Dhismaha (Memorandum of Association) ee shirkadda, oo notaayeysan lagana tastiiqay Safaaradda Soomaaliya ee dalka shirkadda shisheeye ka diiwaangashan tahay. c) Shahaadada diiwaangelinta shirkadda shisheeye ee uu bixiyey diiwaanhaya dalka shirkadda shisheeye ka diiwaangashan tahay, oo notaayeysan lagana tastiiqay Safaaradda Soomaaliya ee dalka shirkadda shisheeye ka diiwaangashan tahay. d) Nuqul go’aanka golaha saamileyda ee shirkadda oo lagu fasaxayo furitaanka laanta shirkadda ee Soomaaliya, waana in go’aankaasi notaayeysan yahay lagana tastiiqay Safaaradda Soomaaliya ee dalka shirkadda shisheeye ka diiwaangashan tahay. e) Nuqul Baasaboorrada saamileyda ama maamulayaalka shirkadda shisheeye. f) Magacyada iyo baasaboorrada agaasimaha ama agaasimeyaasha shirkadda shisheeye ee Soomaaliya deggan. g) Magaca Wakiilka sharciga ah (Legal Representative) ee shirkadda shisheeye laanteeda Somalia. 2. Diiwaanhayaha marka uu ku qanco in codsiga diiwaangelinta shirkadda shisheeye dhammeystiran yahay, wuxuu siinayaa shirkadda shisheeye Shahaadada Diiwaangelinta Shirkad Shisheeye (Certificate of Registration of Foreign Company). 3. Qodobkaani waxba uma dhimaayo shuruudaha iyo habraaca Sharciga Maalgashiga Shisheeye lr.13 ee 21/01/2016. Wax masuuliyad ah loo raaci maayo Diiwaanhayaha Shirkadaha iyo dhammaan hawlwadeenadiisa wax ay sameeyeen ama wax ay ahayd in ay sameeyaan iyagoo u gudanaya, si niyad wanaag ah, waajibaadkooda uu dhigayo xeer-nidaamiyahani. 1 Qof kasta oo jabiya xeer-nidaamiyahan ama xeerar kasta oo ay soo saarto Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha oo hoos imanaya Sharciga Shirkadaha 2019 wuxuu geysanayaa xadgudub, wuxuu mutaysanayaa ganaaxa ku tilmaaman Shaxda 1aad. 2 Haddii uu khilaaf ku yimaaddo xeer-nidaamiyahani waxaa arrintaa go’aan ka gaadhaya Wasiirka, haddii uu khilaafku dhammaan waayana, waxaa arrintaa racfaan loo qaadan karaa maxkamadda. 1. Si waafaqsan Qodobka 97aad ee Sharciga Shirkadaha 2019 Wasiirku wuxuu soosaari doonaa wixii xeer-nidaamiyeyaal ah oo meelmarinta sharcigaasi uu hadba u baahdo. 2. Sharciga Shirkadaha Lr.18 ee 26 Disember 2019 iyo Xeernidaamiyahaan ayuu ka kooban yahay Xeerka Shirkadaha Soomaaliya waxaana markasta hortabin leh Sharciga Shirkadaha. 1. Xeernidaamiyehaani wuxuu tirtirayaa Xeernidaamiyaha Lambar 001/2020 ee 27 Diseember 2020. 1. Xeer-nidaamiyehani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha laguna soosaaro Faafinta Rasmiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Xil. Khaliif Cabdi Cumar Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Muqdisho, 27 January, 2021 ADEEG Lacagta Wakhtiga Soo saaridda shahaadada aasaasidda shirkadaha Lacag u dhiganta $100 1 maalin Soo saaridda nuqul koobi ah oo shahaadada aasaasidda shirkadaha Lacag u dhiganta $ 25 1 maalin Soo gudbinta magac beddelid Lacag u dhiganta $ 100 1 maalin Dib u diiwaangelin, tusaale marka shirkado isku biiraan ama isbeddel weyn dhaco Lacag u dhiganta $ 100 1 maalin Soo gudbinta Warbixinta Sannadlaha ah Bilaa Khidmad/Bilaash Soo gudbinta in si ikhtiyaar ah looga saaro magac diiwaanka Bilaa Khidmad/Bilaash In qaab elektaroonig ah loo baadho diiwaanada Bilaa Khidmad/Bilaash 1 maalin Ka diiwaangelinta shirkad shisheeye ah dalka Soomaaliya Lacag u dhiganta $ 100 Ugu badnaan shan (5) todobaad Beddelida magaca shirkadda ama magac kale oo ay leedahay shirkad shisheeye Lacag u dhiganta $ 100 Ugu badnaan afar (4) todobaad. Baaris magac shirkadeed ama ganacsi Khidmad la’aan Waxa ay ku xidhantahay nooca adeegga Dhigasho magac shirkadeed Khidmad $20 Waxa ay ku xidhantahay nooca adeegga Nuqul macluumaadka shirkad diiwaangashan Khidmad $20 Waxa ay ku xidhantahay nooca adeegga Dib u dhac Warbixin Sannadeedka Ganaaxa Dib u dhac 4 bilood ah 10% (boqolkiiba toban) qiimaha laysinka ganacsiga ee shirkaddu haysato. In ka badan 1 sanno Digniin in 60 maalin gudahood lagu soo gudbiyo warbixin sannadeedka. Marka ay dhammaato muddada 60 maalin, waxaa shirkadda laga tirtirayaa diiwaanka shirkadaha. Summadda Abla-ablaynta Hawlaha Ganacsiga (Industrial Classification Code) waxaa kala tilmaamayaan noocyada kala duwan ee hawlaha ganacsiga iyo wax soosaarka.Hal ganacsi ayaa wuxuu yeelan karaa mid ama in ka badan oo summadaha ICC ah. A. BEERAHA, DHIRTA IYO KALLUUMAYSIGA ICC WAAXDA Kharashka (USD) A1 WAX SOO SAARKA BEERAHA -- DALAGA $300 A2 WAX SOO SAARKA BEERAHA – XOOLAHA $300 A3 ADEEGYADA BEERAHA $300 A4 DHIRTA $300 A5 UGAADHSIGA $300 A6 KALLUUMAYSIGA $300 A7 ADEEGYADA KALLUUMAYSIGA $300 A8 WAX SOO SAARKA BEERAHA – DIGAAGGA $300 B. MACDANTA ICC WAAXDA KHARASHKA (USD) B1 QODISTA BIRAHA $1,000 B2 QODISTA MACDANTA $3000 B3 SOO SAARIDDA SALIIDDA IYO GAASKA $3000 B4 MACDANTA AAN BIRTA AHAYN OO AANAY KU JIRIN SHIDAALKU $500 C. DHISMAHA ICC WAAXDA COST (USD) C1 QANDARAASLAYAASHA DHISMAHA GUUD (ADEEGGA) $300 C2 QANDARAASLAYAASHA DHISMAYAASHA WAAWEYN $500 C3 QANDARAASLAYAASHA GAARKA AH (SOO DHOOFINTA QALABKA DHISMAHA) $300 D. WAX SOO SAARKA Tani waxaa ay ku xidhnaan doontaa dakhliga sannadlaha ah iyo tirade shaqaalaha sida ay tilmaamayaan qeexitaanada siyaasadda ganacsiga yar-yar iyo kuwa dhexe (SME) Tirada Shaqaalaha Hantida Guud Aad u yar (Micro) 1 -5 $1,000 - $10,000 Yar-yar (Small) 6 – 50 $10,001 - $50,000 Dhexdhexaad (Medium) 51-100 $50,001 - $100,000 Weyn (Large) 101 iyo ka badan 100,001 and more ICC Qeybta KHARASHKA (USD) Aad u Yar Yaryar Dhexdhexaad Waaweyn D1 CUNTOOYINKA IYO WIXII LA XIRIIRA $300 $500 $700 $1,000 D2 SOO SAARAYAASHA BUURIGA $300 $500 $700 $1,000 D3 ALAABTA MASHIINKA DHARKA $300 $500 $700 $1,000 D4 ALAABTA DHARKA $300 $500 $700 $1,000 D5 ALAABTA GEEDAHA IYO ALWAAXDA $300 $500 $700 $1,000 D6 ALAABTA GURYAHA IYO QURXINTA $300 $500 $700 $1,000 D7 WARAAQAHA IYO ALAABAHA LA XIDHIIDHA $300 $500 $700 $1,000 D8 DAABACAADDA IYO BAAHINTA $300 $500 $700 $1,000 D9 KIMIKOOYINKA IYO ALAABAHA LA XIDHIIDHA $300 $500 $700 $1,000 D10 ALAABAHA SHIDAALKA IYO DHUXUL-DHAGAXDA $300 $500 $700 $1,000 D11 CAAGGA IYO ALAABAHA BALASTIGA KALA DUWAN $300 $500 $700 $1,000 D12 SAANTA IYO ALAABAHA SAANTA $300 $500 $700 $1,000 D13 ALAABAHA DHAGAXA, DHOOBADA IYO QURAARADDA $300 $500 $700 $1,000 D14 WARSHADAHA BIRTA $300 $500 $700 $1,000 D15 MASHIINADA, OO AANAY KU JIRIN KUWA KORONTADA $300 $500 $700 $1,000 D16 QALABKA KORONTADA IYO KUWA ELEKTAROONIGA $300 $500 $700 $1,000 D17 QALABKA GAADIIDKA $300 $500 $700 $1,000 E. GAADIIDKA IYO BAAHIYAHA DADWEYNAHA ICC WAAXDA KHARASHKA (USD) E1 GAADIIDKA TAREENADA $500 E2 GAADIIDKA GUDAHA IYO MAGAALOOYINKA DHEXDOODA $300 E3 GAADIIDKA XAMMUULKA IYO BAKHAARADA $500 E4 ADEEGGA BOOSTADA $300 E5 GAADIIDKA BIYAHA $300 E6 GAADIIDKA HAWADA $1,000 E7 QASABADAHA, LAGA REEBO KUWA GAASKA DABIICIGA $300 E8 ADEEGYADA GAADIIDKA $300 E9 IS-GAADHSIINTA $3,000 F. GANACSIGA JUMLADDA AH ICC WAAXDA COST (USD) F1A GANACSIGA JUMLADDA – ALAABTA WAARTA $300 F2A GANACSIGA JUMLADDA – ALAABTA AAN WAARAYN $500 G. GANACSIGA TAFAARIIQDA ICC WAAXDA KHARASHKA (USD) F1 QALABKA DHISMAHA IYO AGABKA BEERAHA $300 F2 DUKAANADA ALAABTA GUUD $300 F3 DUKAANADA CUNTADA $300 F4 DUKAANADA ALAABTA GAWAADHIDA & XARUMAHA ADEEGYADA $300 F5 DUKAANADA DHARKA IYO AGABKA WEHELIYA $500 F6 DUKAANADA QALABKA GURYAHA IYO ALAABTA LAGU QURXIYO GURYAHA $500 F7 GOOBAHA CUNTADA IYO CABITAANKA $300 F8 TAFAARIIQ ALAABAHA ISKU-JIRKA AH $300 H. MAALIYADDA, CAYMISKA IYO HANTIDA MA GUURTADA AH ICC WAAXDA KHARASHKA (USD) G1 BANGIYADA $3,000 G2 XARUMAHA DEYN-BIXINTA, OO AANAY KU JIRIN BANGIYADU $500 G3 DILLAALIINTA ALAABAHA IYO SECURITYGA IYO ADEEGBIXIYEYAASHA $1,000 G4 SHIRKADAHA CAYMISKA $1,000 G5 WAKIILADA CAYMISKA, DILLAALINTA IYO ADEEG-BIXIYEYAASHA $500 G6 HANTIDA MA GUURTADA AH $300 G7 XAWAALADAHA $1000 I. ADEEGYADA ICC WAAXDA COST (USD) H1 HUDHEELADA IYO GOOBAHA KALE EE LA DAGO $500 H2 ADEEGYADA XIRFADDA $300 H3 ADEEGYADA GANACSIGA (TALO-BIXINTA) $300 H4 DAYACTIRKA GAWAADHIDA, ADEEGOODA IYO GEERASHYADA $300 H5 ADEEGYO KALA DUWAN OO DAYACTIR AH $300 H6 ADEEGYADA MAAWEELADA IYO MADODAALADA $300 H7 ADEEGYADA CAAFIMAADKA CUSBITAALADA $800 XARUN CAAFIMAAD 300 H8 ADEEGYADA SHARCIGA $300 H9 ADEEGYADA WAXBARASHADA DALADAHA WAXBARASHADA $500 JAAMACAD $1,000 DUGSIYADA SARE $300 MAC-HAD $300 H10 ADEEGYADA BULSHO $300 H11 MAXDAFYADA IYO BEERAHA DHIRTA IYO XAYAWAANKA $300 H12 URURADA XUBINIMADA $300 H13 ADEEGGA MAAMULKA $300 H14 DAABULKA IYO SAADKA $500 H15 ADEEGYADA INTERNETKA IYO ICT $300 H16 ADEEGYO ISKU-DHAFAN $300 H17 SOO DEJINTA GUUD (GENERAL IMPORT) $2,000 H18 DHOOFINTA GUUD (GENERAL EXPORT) $1,500 H19 SOO DEJINTA IYO DHOOFINTA GUUD $3,000 H20 SOO DEJINTA DAAWADA $500 H21 SOO DEJINTA JAADKA IYO SIGAARKA $2,000 H22 SOO DEJINTA DAHABKA $1,000 H23 XAJ IYO CUMRA $500 H24 ADEEGA SAFARRADA $300 H25 XABAGTA IYO BEEYADA $300 H26 ISQURXINTA (COSMETICS) $1,000 H27 MAAMULKA IYO TAYO DHISKA $500 H28 ADEEGA NADAAFADDA $300 H29 SHIRKADAHA AJAANIBTA $3,000 H30 SHIRKADAHA ISKUJIRKA SOOMAALI AJAANIB $3,000 H31 SOO DEJINTA SHIDAALKA IYO GAASKA $1,000 K – HAWLAHA IYO ADEEGYADA KALE ICC WAAXDA KHARASHKA (USD) K1 HAWLAHA IYO ADEEGYADA KALE $1,000Qod.1aad: Aasaasidda Xafiiska Diiwaanhayaha Shirkadaha
Qodobka 2aad: Madaxa Diiwaanhayaha
Qodobka 3aad: Ku-Xigeenka Madaxa Diiwaanhayaha Shirkadaha
Qodobka 4aad: Shaqooyinka Diiwaanhayaha Shirkadaha
Qodobka 5aad: Awoodaha Diiwaanhayaha Shirkadaha
Qodobka 6aad: Bixinta Shahaadada Aasasidda Shirkadaha
Qodobka 7aad: Bixinta Laysinka Ganacsi
Qodobka 8aad: Dukumiintiyada looga baahan yahay diiwaangelinta shirkadaha
Qodobka 10aad: Shuruudaha Magaca
Qodobka 11aad: Sii Qabsasho Magac
Qodobka 12aad: Beddelidda Magaca
Qodobka 13aad: Caddeynta Cinwaanka
Qodobka 14aad: Khidmadaha
Qodobka 15aad: Warbixin Sannadeedka Shirkadda
Qodobka 16aad: Noocyada Lacag Bixinta
Qodobka 17aad: Diiwaangelinta Khadka Tooska ah (online registration)
Qodobka 18aad: Sixidda Xogta Diiwaangashan
Qodobka 19aad: Diiwaangelinta Laan Shirkad Shisheeye
Qodobka 20aad: Xasaanadda
Qodobka 21aad: Xadgudubyada iyo Ganaaxyada
Qodobka 22aad: Xeer-Nidaamiyeyaasha
Qodobka 23aad: Tirtiris Xeernidaamiye Hore
Qodobka 24aad: Dhaqangalinta
Shaxda 1aad
Khidmadda Aasaasidda Shirkadaha
Shaxda 2aad
Ganaaxyada
Shaxda 3aad
Sumadda Abla-ablaynta Hawlaha Ganacsiga (ICC)